XOGTII UGU DAMBEYSAY: Siyaasiyiin Caan ah oo u taagan Xilka R/wasaaraha Somalia..


Sida aan kasoo xiganay illo xog Ogaal ah Waxaa shaqsiyaad cusub ay kusoo biireen liiska siyaasiyiinta doonayo inay helaan booska R/wasaaranimo oo 30 berri gudahood looga fadhiyo Madaxweyne Farmaajo inuu kusoo magacaabo.

Illo wareedyo ku dhaw dhaw madaxweynaha shacabka ay doorteen ee Farmaajo ayaa sheegayo in Yuusuf Garaad iyo Musharixii u tartamayey madaxweynimada Dr. Maxamud Maxamed Culusow ay kusoo biireen siyaasiyiinta doonayo xilkaas.

HALKAAN KADHAGEYSO XOGTA

Xog aan la xaqiijin oo soo baxeyso ayaa sheegeyso in Yuusuf Garaad oo garab weyn ka helayo UN-ka iyo safaaradaha dowladaha shisheeye ee Xamar Fadhiyo kuwaas oo farmaajo xoogga ku saarayo inuu ninkaan Ra’isulwasaaare ka dhigo.

Midda culeyska ku noqoneyso Yuusuf Garaad ayaa ah in beesha uu kasoo jeedo ay aad ugu doonayaan xilkaan Dr. Culusow oo isna kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu cadcad.

Odayaasha beesha uu Culusow kasoo jeedo ayaa wadaan ololo ballaaran oo ay ku doonayaan inuu siyaasigaa xilkaan ku fadhiisto.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM