XOG:Guushii MD Farmaajo oo hakad gelisay wadahadaladii Khaatumo iyo Somaliland oo ahayd…


Ayadoo wadahadalo usocady maamulada khaatumo iyo somaliland kasoo looga arinsanaayay sidii khaatumo ugu biiri lahayd maamulka somaliland oo sheegtay in oo ka go’ay somaliya inteeda kale.

Wadahadaladaas ayaa lasheegaya in haatan soo galay hakad kadib markii madaxweynaha maamulka khaatumo oo siweyn usoo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee soomaaliya Farmaajo kasoo lashegayo in ku hami weynyahay in siyaasada dalka waxbadan iska badeli doonto.

Hase ahaatee warar ina soo gaaray ayaa sheegaya in Cali Khaliif Galeyr iyo xubnihii Khaatumo State ee ku sugnaa magaalada Jabuuti ay ka gaabsadeen in wadahadalkaas uu sii socdo.

HALKAAN KADHAGEYSO XOGTA

Arintaas ayaa lagu tilmaamay iney ka danbeysay kadib markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Cali Khaliif ayaana dareensan in siyaasada ay wax weyn iska badali doonto, ayna raali ku yihiin madaxweynaha cusub inuu soo celin doono xaquuqdii deegaanadaas.

Madaxdii Somaliland ee tagay magaalada Jabuuti ayaana si deg deg ah uga tagay magaaladaas iyagoo aaday dhanka Itoobiya maadaama Khaatumo ay diiday wadahadalkaas.

Si kastaba, rajada ifeysa ee Soomaaliya ayaa muujineysa sida dhamaan deegaanada Soomaaliya ay ugu kalsoon yihiin Soomaali mideysan oo amaan leh

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM