Xog:Galaangalkii Ugu Dambeeyey Ee Murashixiinta Madaxweynaha&Lacagihii musharixiinta oo magaalada soo galay


Muuqaalka magaalladda Muqdisho ayaa caawa ah mid ka duwan Habeenadda kale, waxaa la dareemi karaa Bandow iyo in la xadiday Isku-socodkii dadka iyo dadweynaha.

Laakiinse, Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed iyo Mashquul badan ayaa laga dareemayaa inta badan Hoteelladda iyo Guryaha ay Murashixiinta Madaxweynaha deggan yihiin.

Murashaxiinta waxay  kulamo la leeyihiin Xildhibaanadda BFS, oo lagu lafa gurayo Arrimaha Cod-bixinta Doorashadda iyo in wax kasta la fududeeyo.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Badweyn.com inay Kulamadda ugu shidan  caawa ka socdaan Hotel Jazeera, Uganda House, Peace 2 iyo Xaafadaha ay deggan yihiin  Murashixiinta  Madaxweyne ee kala ah Sheekh Shariif, Cumar C/rashiid, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Murashixiinta waxay galaangal xooggan ugu jiraan inay Xildhibaanadda is-fahmaan, kuna balamaan Cod-bixintooda iyo Adeegyadda kale ee dufanaysan.

Baaritaanka Badweyn.com ee caawa, waxaa lagu soo ogaaday inay jiraan warar sheegayo inay bilaabantay Cod-iibsiga,  iyadoo uu halkii cod gaaray kharaj u dhexeeya 140,000 ilaa 200,00 oo Dollar.

Qaar ka mid ah xubnaha u ololeeya Murashixiinta ayaa laga soo xigtay in hawsha caawa lagu kala baxayo iyo in Xildhibaan kasta lagu qancinayo Xodxodashada iyo in Is-fahamka la kala tuuranayo.

Si kastaba ha ahaatee, Murashixiinta Madaxweynaha waxay caawa ka wada siman yihiin galaangalkii ugu dambeeyey ee ay ugu jiraan inay ku xisaabtamaan Tirada Xildhibaanada lagu tashanayo codadkooda.

Waxaana is-gurayo xilliga, iyadoo ay dhowr saacadood ka harsan tahay xilliga  loo codeyn doono Madaxweynaha cusub ee JFS.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM