Xog-warran: Qorshihii ra’iisul wasaare ee lagu dejiyey kulankii beesha Habar-Gidir |


Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in siyaasihiinta iyo xildhibaanada beesha Habagidr kashireyn shaqsiga uqalma ra’isulwasaaraha soomaaliya loona magacaabi lahaa.

Xog aan helnay ayaa sheegaya in Farmaajo qorsheynaayo in ra’isulwasaare u magacaabo shaqsi kasoo jeedo beesha Habagidir kassina lagu wado in horaanta bisha soo socoto lagu dhawaaqo.

Warar aan hubin ayaa sheegaya in loo wado  Axmed Macalin Fiqi ayaa lasheegaya in loo magacaabi doono ra’isulwasaaraha cusub ee soomaaliya madaama olalaha lagu soo saaray Farmaajo lahaa.

Fiqi ayaa ahaa maskaxdii lagu soo saaray madaxweyne Farmaajo waxaana lasheegaya in asaga lasiin doono ra’isulwasaaraha soomaaliya waaba hadii ay dhacdo in lasiiyo shaqsi habagidir ah.

Axmed Macallin Fiqi ayaa muujiyay in xilka ra’iisul wasaarenimo uu mudan yahay in loo magacaabo, wuxuuna kulanka uu ka sheegay inuu isagu yahay ra’iisul wasaaraha rasmiga ah ee madaxweyne Farmaajo magacaabayo, maadaama buu yiri aan ka mid ahaa xildhibaanadii bilaabay halganka isbadal doonka.

Odayaal kale oo beesha H/Gidir ayaa iyagana soo jeediyay in shaqsiga lala hortegayo Farmaajo ee mudan xilkaan inuu yahay C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ahaa murashaxiintii guuldareystay, hase ahaatee waxaa dhinac ka ordayay odayaal kasoo jeeda beesha Sacad iyo kuwo kale beesha Ceyr ah oo iibinayay C/raxmaan C/shakuur iyo C/naasir Macallin oo isna murashaxiinta isbadal doonka ka mid ahaa.

Haddii ay noqoto in beesha Habar Gidir isku raacdo Axmed Macallin Fiqi waxay dhaawacaysaa midnimada beesha H/Gidir maadaama C/kariin Guuleed uu ku fadhiyo kursiga madaxweynenimo ee Galmudug, mana ahan Fiqi siyaasi u diyaarsan xilka ra’iisul wasaarenimo, laguna soo tijaabiyay hay’addii uu taliyaha kasoo noqday ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Docda kale marka laga eego, xisbiga Daljir ee horay ugu fallaagoobay kooxda Aala Sheekh ee ku guuleystay kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Abshir Bukhaari, ayaa iyagana dadaal dhanac walba ugu jira sidii ay u heli lahaayeen xilka ra’iisul wasaarenimo, waxaana habeenkii doorashada xubno ka tirsan oo baarlamaanka ugu jira ay usoo jeediyeen Sheekh Shariif inuu iscasilo, cododkoodiina ay u hoobiyeen madaxweyne Farmaajo.

 

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

4 Jawaabood : Xog-warran: Qorshihii ra’iisul wasaare ee lagu dejiyey kulankii beesha Habar-Gidir |

  1. axmed says:

    Waa sax ,waa istaahil, waa in asaga loo dhibaa, Culusow dambe, meeshaa lagu arag, Xaarka Madaxtooyada halaga xaaqo. walee kuwaas ma xishoodaan, iga taga.

  2. Dahabo Dowlo says:

    Ra’isalwasaare waa in lago qof u qalma oo aan loo giirin nalsr aqoon iyo bodeul

  3. Dahabo Dowlo says:

    Ra’isalwasaare waa in laga dhigo qof u qalma oo aan loo fiirin qabiil bale lagu xulo aqoon iyo bisayl siyaasadeed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM