XOG: Warar Sheegaya in M/weyne FARMAAJO uu Xilka R/wasaaraha u magacaabayo Haweeney Caan ah…


Wararka ku saabsan R/wasaaraha Cusub ee Dowlada Farmaajo ayaa iska soo daba dhacaya Balse waxaa Calaamad su’aal saaran warar sheegaya in Xilka R/wasaaraha Soomaaliya la siin doono Haweeney waxqabad lagu bartay Drs. Maryan Qaasim Axmed oo Guddoomiye ka ah Xisbiga Tayo uu ka tirsanaa M/weynaha Cusub ee Soomaaliya,

Hadal-qoraal oo ay Drs. Maryan Qaasim.soo dhigtay Barteeda Twitterka ayey ku sheegtay inaysan Somalia xilligan diyaar u ahayn in la magacaabo Ra’isul-wasaare Haweeney ah oo ka soo jeeda Dadka laga tiro badan yahay hadalkaasi ayaa sidoo kale shakiga sii kordhiyay.

Waxay intaasi ku dartay inay dadaal u geli doonan sidii ay awoodooda isugu geyn lahaayeen sidii ay Madaxweyne Farmaajo.ugu taageeri lahaayeen.

Arrintaasi darteeda ayaa waxaa laga yaabaa in Drs. Maryan Qaasim loo magacaabo Xuilka Ra’isul-wasaaraha Dowladda cusub, iyadoo ay noqon doonto markii ugu horreysay ee Taariikhda Somalia haddii qof Haweeney ah loo magacaabo.

Drs. Maryan Qaasim Axmed waxay horey u soo qabatay Xilalka Wasiirnimo ee Caafimaadka, Waxbarashadda, Dhallinyarada iyo Sport-ga, iyo Arrimaha Qoyska ee Dowladdii KMG iyo Dowladda Federalka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo waxaa ku adkaan doonta haddii uu qof Dumar u magacaabo xilka Ra’isul-wasaaraha sida uu isku waafijin lahaa Xilkaasi iyo Awood-qeybsiga 4.5

Haweenka wey ku dulman yihiin dhinaca Siyaasadda, waxaana horey looga boobay inta badan Kuraastii BFS ee loo qoondeeyey, mana helin 30% sida horey la isugu raacay.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

2 Jawaabood : XOG: Warar Sheegaya in M/weyne FARMAAJO uu Xilka R/wasaaraha u magacaabayo Haweeney Caan ah…

  1. axmed says:

    Xaq bey u leedahay, waana wadaniyad, aqoona u leh Hogaanka , hadaba waa guul labaad ee soo hoyatay, Shacabka Somaliyeed Cadowga badan ee la sheegayo ee ka soo hor jeeda Dowlada Cusub haka hortagaan, walaahi baan ku dhaartay ,maanta hadii chnce kaas ina dhaafo, ee ay Dowladaas Socon weydo, in aan Somali dambe la sheegeyn.

  2. sacdia says:

    guuuul guuuul waanu soo dhawayneynaaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM