XOG: Warar ku saabsan R/wasaaraha Cusub ee Somalia & Qorshaha Farmaajo….


Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaarihiisa cusub ee Soomaaliya iyadoo maanta uu si rasmi ah ula wareegayo howsha Villa Somalia.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu shuruud adag uu hordhigay musharraxiinta u taagan xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taasi oo dad badan aad uga yaabisey.

Waxyaabaha uu soo hordhigay waxaa kamid ah inuusan nin ganacsade ama shaqooyin kale haysta aanu u dhiibi doonin xilkaasi, qofkana laga doonayo inuu ka madax bannaaan yahay shaqo kale.

In qofka xilkaan doonaya uu aqoon ahaan aad uga sarreeyo madaxweyne Farmaajo, yahay wadani daacad ah, sidoo kalena uu soo bandhigaa waxyaabaha uu shacabka usoo qabtay kahor xilkiisan.

Sidoo kale waxaa laga xisaabin doonaa qofka Ra’iisul wasaaraha laga dhigayo wax hanti ah ee uu hadda leeyahay, waxaa la xisaabin doonaa lacagta akoon ahaan u xarreysan, waxaana lala socon doonaa dhaq dhaqaaqyadiisa xitaa haddii xilkaasi uu qabto.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM