Xog & Sawiro: M/weyne Farmaajo oo Sedax Xil midkood u Magacaabaya Sheekh Shariif…


Sida aan kasoo xiganay illo xog ogaal ah Kulan dhexmaray M/weyne Farmaajo iyo Sh Shariif ayaa looga hadlay suurta galnimada in Sh.Shariif loo magacaabo midkood safiirka dalka Uganda ama safiirka dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in mudane Sh Shariif loo soo bandhigay inuu noqdo la taliye madaxweynaha ah, inkastoo uusan xilkaas ku qancin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu ku faraxsan yahay kulankii uu la qaatay madaxweyne hore Xasah Sh kahor inta uusan xilka kala wareegin Xasan Sh Maxamuud.


Madaxweyne hore Sh Shariif Sh Axmed ayaa la filayaa inuu aqbalo mid kamid ah dalabyada uu ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa taageero xoogan u haya Madaxweyne Farmaajo maadaama uu kaallin weyn ka qaatay inuu kusoo biiro siyaasada Soomaaliya isagoo Mareykanka uga keenay si uu ra’isul wasaare ugu magacaabo.

Madaxweyne Farmaajo ayaana doonaya inuu Sh Shariif ku qanciyo xilalka uu doonayo maadaama uu abaal wanaagsan ugalay bilwogisiii siyaasadiisa dalka.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM