XOG: M/weynayaasha M/Gobaleedyada oo la saftay Xasan sh, Balse Maxaa iska Badalay Ololaha Doorashada…


iyadoo Wararka doorashada ay iska soo daba dhacayaan ayaa markaan waxaa nasoo gaaray warar ku saabsan Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya oo ku soo biiray Ololaha Xasaasiga ah ee Doorashada waxaana M/weynayaasha Maamul Gobaleedyada intooda badan ay iska soo xaadiriyeen Magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha ku biiray loolanka Aaddag waxaa ka mid ah:
Shariif Xasan Sheekh Aadan,
C/kariin Xuseen Guuleed,
C/weli Maxamed Cali iyo Cali C/llaahi Cosoble oo ka taliya maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynayaasha ay olole ugu jiraan dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh oo markii labaad u sharxan jagada madaxweynaha dalka,

Wxaaana jirta dacwad ay gudbiyeen musharixiinta u taagan madaxweynaha oo ku saabsan doorka madaxweynayaasha maamulada oo loo diray beesha caalamka iyo Guddiga Anshaxa Doorashada.

Warar hore usoo baxay ayaa sheegayay in dowladda Itoobiya ay cadaadis sartay madaxda maamul goboleedyada isla markaana ay qaar diidayaa ku qasbanaadeen inay u ololeeyaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM