XOG: M/weynaha KENYA oo diidan ka qeybgalka Caleema-saarka M/weyne Farmaajo..


Sida aan kasoo xiganay xubno ka tirsan Guddiga Qaban qaabada Caaleema-saarka M/weyne Farmaajo madaxweynaha Kenya ayaa ka muujiyey culeys inuu kasoo qeybgalo caleema saarka isagoo ka dhawaajiyey inay heystaan arrimo kale.

Uhura ayaa sheegay inuu leeyahay qorshooyin kale oo uu horey u dajistay sidoo kalana laga yaabo inuu safaro kale u aado wadamo uu sheegay inuu la ballansan yahay.

Kenya oo u aragto in Soomaaliya ay kaga xiran tahay dano waaweyn ayaa waxaa jiro warar sheegayo in la taliyaasha Madaxweynaha Kenya ee dhanka Arrimaha Dibadda ay xoogga ku saarayaan inuu Muqdisho tago kana qeybgalo Xafladaas.

Dad ku dhaw dhaw madaxweynaha ayaa xaqiijinayo inay tataliyayaashaas ay ka shaqeenayaan sidii uu Kenyatta u tago lahaa Soomaaliya waxayna u badan tahay inuu aqbalo oo uu yimaado.

Waxaa xusid mudan in Kenya iyo Farmaajo aysan isku fiicneyn maadaama markii uu ahaa Ra;isulwasaaraha uu hey’adaha qaramada midoobay iyo kuwa kaalmada bixiyo ku amray inay Muqdisho ku shaqeeyaan isla markaasna ay kasoo guuraan Nairobi.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM