XOG: Laba Mas’uul oo la hadal hayo in loo Magacaabo Xilka R/wasaaraha Somalia…


iyadoo meel xasaasi ah uu marayo loolanka Xilka R/wasaaraha ayaa M/weyne Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ku howlan yahay xulayashada shaqsiga xilkaasi ku haboon.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu madaxweyne Farmaajo la kulmay siyaasiyiin badan oo doonaya xilka ra’isul wasaaraha Balse waxaa aad loo hadal haya laba mas’uul oo xilkaasi ugu cad-cad.

Shaqsiga 1-aa ayaa ah Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Waa musharax utaagnaa xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu kasoo jeedaa beesha Habar-gidir/Ceyr.

Aqoonyahankan ayaa si lama filaan ah xilkaas loogu magacaabi karaa, inkastoo ay weli socdaan latashiyadii lagu soo magacaabi lahaa ra’isul wasaaraha dalka.

Jibriil Cabdulle, Waxaa uu ahaa musharax kale oo haatana katirsan siyaasiyiinta aqoonyahanada ah ee loo maleynayo in xilkaas loo magacaabi karo.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa marka uu la wareego xafiiska madaxtooyada, shaqada ugu horeysa ee laga doonayo ay tahay inuu magacaabo ra’isul wasaare cusub.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM