XOG: Jen, Gabre oo u baqay Amaankiisa Go’doona ku ah Xerada Xalane…


Warar aan ka helnay ilo diblomaasiyeed ayaa sheegaya in cabsi weeyn ay soo food saartay Jeneraal Gabre oo Dowlada Ethiopia u qaabilsan burburinya qaranka Soomaaliya.

Jeneraal Gabre oo la rumeysan yahay inuu yahay ninka ugu halista badan Shisheeyaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa iminka hakiyay dhaqdhaqaaqii uu ka dhex waday magaalada Muqdisho sababo la xiriira arrimo amni.

Jeneraal Gabre oo ay soo foodsaartay Cabsi dhanka Siyaasiyiinta iyo Shacbiga Soomaaliyeed ayaa inta laga soo dhisaayo Xukuumada cusub ku nagaan doona Xalane kadib markii ay hanjabaado dhexmareen isaga iyo Siyaasiyiin Hantiilayaal ah.

Sababaha uu Jeneraal Gabre ugu sii nagaan doona Xarunta Xalane ayaa ah:

1-Colaada kala dhexeysa Xildhibaanada BFS oo gaartay heerkii ugu xumaa.
2-Cabsi laga qabo in Goobaha caadiga ah ee uu tagi jiray inay hujuum ku qaadan Shacabka.

Ilo ku dhow dhow Jeneraal Gabre ayaa laga soo xigtay in Jeneraalka la gaarsiiyay fariimo Hanjabaad oo lagu diray Mobilka gacanta ee uu wato, taa oo soo dadajisay inuu kusii sugnaado Xarunta Xalane oo ah Goob ay degan yihiin Ajaaniibta ka howlgasha Somalia.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : XOG: Jen, Gabre oo u baqay Amaankiisa Go’doona ku ah Xerada Xalane…

  1. axmed says:

    Waxa fiicnaan lahayd , ninkaas in uusan wadanka nabad kaga bixin, Somali waa dhiciif, war ninkaan Sir badan buu hayaa ee Somaliya ka hayaa ,waa jaasuus, sidee u bixi karaa.?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM