XOG HALIS AH: Hawada Somalia oo loo Saxiixi rabo Afar dowlad oo Ajinabi ah…


Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda waqtigeedu idlaaday, Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa lagu eedeeyay in uu doonayo in uu Maamulka Hawada Soomaaliya uu ku wareejiyo Dowladdaha Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Mauritius.

Guddoomiyaha Hay’adda Saadaasha Hawada, Cabdiwaxiid Cumar Sheekh Axmed ayaa xaqiijiyay in Wasiir Jangali uu qorsheynayo in 16 Bishan uu maamulka Hawada Soomaaliya u saxiixo afartan Dowladood.

Heshiiskan uu Wasiir Jangali ku doonayo in uu ku wareejiyo Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa ah mid ka horeeyay Dowladda cusub ee Federaalka ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sida la sheegay u duulay Dalka Canada, si uu u soo saxiixo heshiiskan uu la soo galay Dowladdahan shisheeye oo hankoodu yahay in ay Maamulaan Hawada Soomaaliya.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM