XOG: Goormee Dhaceysa Xaflada Caleema-saarka M/weyne Farmaajo…


Waxaa magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Arbacdii 8-da bishan la doortay.

Guddi arrintan loo saaray ayaa wada diyaarinta xaflada iyo xil wareejinta waxaana la ogaaday in Arbacadda loo qorsheeyay in la qabto, iyadoo lagu casuumay mas’uuliyiin madax caalami ah.

Guddigan oo uu hormuud u yahay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa wada qabanqaabada xafladda xil wareejinta, waxaana isla maalintaas lagu wadaa inuu Madaxwene Farmaajo u guuro Villa Somalia.

Farmaajo oo lagu dhaariyay isla fadhigii baarlamaanka ee lagu doortay ayaa hadda fariisin ka dhigtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqidsho oo si kumeelgaar ah uu ugu shaqeeyo, kaasoo culeys weyn ku keentay Hotelka gaarka loo leeyahay.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM