XOG: Farmaajo oo Ciidanka Villa Somalia u Magacaabay Taliye Caan ah…


Waxaa iska soo daba-dhacaya wararka ku saabsan isbadalka uu qorsheynayo M/weynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyadoo uu magacaabay Taliyihii Ugu horeeyay ee dhanka ciidanka ah.

Farmaajo oo diiday in ay Amaankiisa sugaan Ciidanka Amisom kana door biday Ciidanka sida gaarka ah u Tababaran ee dowlada ayaa lasoo Warinayaa in uu Taliyaha Ciidanka Amaanka Madaxtooyada Soomaaliya u Magacaabay S/Guute Cabdullaahi Cali Caanood waxaana tilaabadaan lagu tilmaamay qorshaha Cusub ee isbadalka ah.

Farmaajo ayaa shalay Tagay Xaruunta Ciidanka Xooga dalka ee Wasaarada Gaashaandhiga isagoo halkaasi kula qadeeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka uguna bishaareeyay in dhamaan ciidanka la tayeen doono isbadal muuqdana uu la imaandoono.

M/weynaha Somalia loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Soomaalida oo dhan kusoo dhaweysay qalbi saafi ah sacab iyo dabaal-dag aan horay loo arag waxaana laga rajeynayaa waxqabad muuqda.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM