XOG: FARMAAJO oo Caawa laga Baajiyay kulan uu la qaadan lahaa Xildhibaanada Labada Aqal…


Wararka laga helayo xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in la joojiyay kulan caawa dhex mari lahaa xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub.

Kulanka oo ahaa casho sharaf uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu talogalay inuu u qabto xildhibaanada labada gole oo lagu maamusayo doorashadii ay xilka madaxweynaha dalka u doorteen ayaa saacadihii ugu danbeeyay la baajiyay.

Farriimo loo kala diray xildhibaanada ayaa guddoonku ku sheegay in kulankaasi uu baaqday duruufo jira awgood, isla markaasina dib laga soo sheegi doono wixii soo kordha, iyadoo aan wax faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM