Xog: Dib u dhac lama filaan ah oo ku yimid Xaflada Caleema-saarka M/weyne Farmaajo…


Sida aan kasoo xiganay illo xog ogaal ah waxaa is badal ku yimaaday waqtigii loo qorsheeyey inuu M/weyne farmaajo Xilka kala wareego Ex Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Markii hore waxa la qorsheenayey inuu Farmaajo qabto maamulka madaxtooyada maalinta arbacada oo ay taarikhda ku beegan tahay 15 Ferbary balse waxaa hadda ku yimid isbadal.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo illo wareedyo ku dhaw Farmaajo ayaa sheegayo inuuu madaxtooyada la wareegi doono maalinta Khamiista oo ay taariikhda tahay 16 Februarys 2017.

Tan iyo markii loo doortay Farmaajo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa socday qorshooyin lagu diyaarinayey sidii uu kursiga madaxtooyada ula wareegi lahaa waxaana si KMG ah uu ugu shaqeeya Hotel Jaziira.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM