Xog Dhageysi:Shariifka iyo Xasan oo isku ciidan urursanaya iyo cabsi ka taaga Xamar


Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Badweyn.com ayaa sheegaya in murashax Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu diyaarsaday ciidamo ku beel ah iyo gaadiid kuwa dagaalka ah, ayada oo cabsi xooggan ay ka jirto Muqdisho.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa socday abaabul iyo isu keenida ciidamo beel ahaan kasoo jeeda beesha uu ka dhashay Shariifka ee Hart-Abgaal, oo beled iyo baadiyo iska wacday, ayada oo badankood ay ka yimaadeen gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Waqooyiga Muqdisho.

Ilaa lix boqol oo ciidan ayaa lagu waramayaa in uu diyaarsaday Sheekh Shariif iyo gaadiidkooda dagaalka, waxaana la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee ka danbeysa in uu Shariifka isu keeno cudud intaas la eg, hase yeeshee waxaa jirta inuu qabo cabsi ah in doorashada la musuq maasuqo.

 

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM