XOG Daawo:Xildhibaanada Codadka badan siiyay Farmaajo oo Udhashay Beelaha Dega…


Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa sababta keentay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu codad aad ubadan ka helo doorashada wareegeedii koobaad lasoo dhameeyay.

Musharaxan ayaa helay codad dhan 72 kamid ah codadkii la tiriyay waxaana ka badan kaliya Xasan Sh Maxamuud oo helay 88 cod.

Si kastaba, Shabakada Wararka Badweyn.com ayaa ogaatay in xildhibaanada codka ugu badan siiyay musharax Farmaajo ay kasoo jeedaan gobollada Jubbooyinka iyo Galmudug State.

Xildhibaanadii isbadal doonka ee la filayay iney Sh Shariif ucodeeyaan ayaa codkooda uwareejiyay musharax Farmaajo sidaas waxaan goordhow kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahy.

Sidoo kale waxaa la ogaanayaa in madaxweynaha Jubbaland uu xildhibaanada deegaanadiisa kasoo galay barlamaanka uu usheegay iney doortaan Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM