XOG CUSUB: Turkiga Oo Farmaajo Ku Wareejinaya Diyaarado Dagaal, Taangiyo Iyo Hub Aad u Badan


Sida ay sheegayan warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha turkiga damacsanyahay in dowlada cusub ee soomaaliya siiyo diyaarado dagaal iyo waliba taangiyo.

Xogtaan oo aan kaso xiganay ilo u dhow dhow madaxweynaha cusub ayaa lasheegaya in arintaasi soo gaarsiisay safaarada Turkiga ee muqdisho in lasiinaayo dowlada cusub diyaarado dagaal iyo Taangiyo si amaanka ku xoojiso.

HALKAAN KADAAWO XOGTA

Mar madaxweyne Erdogan la hadlay Farmaajo waxaa loo sheegay in dalka isbedal badan ka dareemi doono, islamarkaana loo keenayo ciidamada cirka ee Soomaaliya sanadaha loogu tababarayey Turkiga.

Sidoo kale ciidamadan waxaa lasoo raacin doonaa diyaaradihii ay ku shaqeyn lahaayeen, iyadoo kuwa dhulkana Taangiyadooda lasiin doono si dib loogu soo celiyo awooddii Soomaaliya.

Turkiga ayaa taaageero dhan walbo leh la garab taagan dowladda Federaalka Soomaaliya, hase ahaatee taageerada hadda uu siin doono Madaxweyne Farmaajo ayaa ah mid aad uga duwanaan doonta middii hore.

 

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM