XOG COD:Yaa kadanbeeyay guuldarashii MD Xasan iyo Guusha Farmaajo oo gaaray oo ah shaqsi caanka ah


Guuldaradii lama filaanka ah ee Xasan Sheekh iyo xertiisa kasoo gaartay Doorashada maanta ka dhacday Muqdisho ayaa dadka qaarkood lama filaan ku noqotay halka dadka kalana ay filayeen in Madaxweyne Xasan uu meesha ka baxayo uuna isbadal ku imaan doono hogaanka sare.

HALKAAN KADAAWO MUQAALKA

Guul darada Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sabab looga dhigay qiyaano uu ku sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo balanta uga baxay Madaxweyne Xasan , Xildhibaanada taageersan Shariifka ayaana inta badan codkooda siiyay Musharax Farmaajo iyo Musharaxin kale oo tartan kula jiray Xasan Sheekh.

Shaki badan ayaa horey looga muujiyay in Shariif Xasan uu daacad ka yahay taageerada Xasan Sheekh u balan qaaday, waxaana soo banaanka usoo baxday in Shariif uu lug gooyay uuna balanta uga baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isbaheestay la sameestay.

Guuldarada lama filaanka ah ee ku timid Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ayaa sidoo kale sabab looga dhigay Xildhibanaada Labada Aqal gaar ahaan kuwa cusub oo aad u doonayay isbadal hogaanka ku yimaada iyagoona taageerayay Xildhibaanada Cusub Musharax Farmaajo.

Siyaasiga Shariif Xasan Sheekh ayaa ah in aan la isku haleyn karin siyaasadiida, waxa uuna sidan oo kale horey sabab ugu ahaa guul daradii iyana layaabka laheed ee ku yimid Sheekh Shariif guushana u horseday Madaxweyne Xasan.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

4 Jawaabood : XOG COD:Yaa kadanbeeyay guuldarashii MD Xasan iyo Guusha Farmaajo oo gaaray oo ah shaqsi caanka ah

  1. waxan
    jogaa
    magalda
    bosaso
    ilahay
    qiyaano
    ma
    ogola
    MD farmajo
    xaqa
    baa
    uhiliyay

  2. madabo
    qiyaano
    lagu
    hishiyay

  3. Qaali Abdirahman omar says:

    Allow nbd warto nasii somaliya nh gul iyo gobanimo aya u rajeynayay

  4. Run says:

    Dad aan aqoon siyaasad ama sida loo falanqeeyo ayaa qorey warkaan shiikh shariif haduu ugu shubo xitaa xasan maxay u qaban laheyd muxuuse balan uga baxaa oo hayey isagu .haddii la isku daro labadooda ma gaari karaan farmaajo.duf ku bax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM