Xog Cod:Madaxweynayaasha maamul goboleedyada hada shir oga socda safaarada Imaraadka iyo shaqsiga loo codeynaayo oo ah..


Kulan aan caadi ahayn ayaa xiligaan kasocda safaarada Imaraadka carabta ee kuleedahay magaalada muqdisho kasoo oga qeyb galayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.

Dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka aya kusugan shirkaas inkastoo oo qadka talefonka oga qeyb galaayo madaxweynaha maamulka jubbaland.

Imaaraadka oo markii hore taageersanaa Cumar Cabdirashiid, marna wada-hadal la galay Shariifka, ayaa lagu warramay inay iminka usoo wareegeen Xasan Sheekh, kadib wada-hadal iyo si-afgarad dhex maray iyaga iyo dowladda Ethiopia.

Kulanka ayaa waxaa lagu warramayaa in lagu bixinayo lacag malaayin dollar ah, oo qaar la siinayo madaxda, halka qaar kalena loogu dhiibayo xildhibaanada laga soo doorto deegaanadooda.

Hore ahayd xiligii madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka sida kan Galmudug ,Koofur galbeed,iyo waliba jubbaland ay hore ugaareyn magaalada dubai halkaasi kulamo kula soo qaateen Imaraadka carabta.

Si kastaba Cabdi Weli Gaas, ayaa weli ka caga jiidaya taageerada Xasan Sheekh, isaga oo dadaalladiisa isugu geynaya inuu xaqiijiyo in Puntland ay hesho madaxweyne ama ra’iisul wasaare, sidaas darteedna uu taageerayo musharax kasta oo arrintaas uu ka heli karo.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM