XOG: Afar Musharax Miisaan Culusna leh oo diiday in la midoobaan Sh.shariif & Farmaajo…


Sheekh Shariif & Farmaajo ayaa ku guul dareystay in ay isbaheysigii xalay ay ku dhawaaqeyn ay ku daraan Musharaxiin Miisaan Culus leh.

Ololaha doorashada madaxweynaha oo xalay aan la kala seexan ayaa maray halkii ugu cuslaa, waxaana ku soo biiray siyaasiyiin, maamul goboleedyada iyo shirkado ganacsi.

Musharaxiin Caan ah ayaa diiday in ay ku biiray isbaheysiga ka dhanka ah Xasan sheekh oo xiligaan Awood badan leh

Musharaxiinta diiday inay isbaheysigaas ka mid noqdaan, waxaa ugu waaweyn:

1- Cumar C/rashiid Cali
2- C/raxmaan C/shakuur Warsame
3- Jibriil Ibrahim Cabdulle
4- C/qaadir Cosoble Cali

Musharaxiintan ayaa lagu tilmaamay inay wareega labaad ka gudbi karaan, iyagoo aan ku qancin, kana xaadirin shirkii Hotel Jazeera ee 11 musharax ay ku heshiiyeen inay taageeraan musharaxa ugu cod bata wareegyada.

Waxaa muuqata in 22-ka musharax ee ka horjeeda dib u doorashada Xasan Sheekh ay hadda mowqifyo kala duwan qaadanayaan, iyagoo ku guuleysan inay hal musharax ku midoobaan.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM