Wifdi uu Hogaaminayo Michael Keating oo Gaaray Kismaayo…


Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee QM, Micheal Keating ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland oo si aad ah loogu soo dhaweeyey magaaladaas markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Wakiilka Qm ee arimaha soomaaliya ayaa kulan gaar ah xarunta madaxtooyada Jubbaland kula qaatay madaxweynaha maamulkaas ee Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay kawada hadleen arimo ay kamid tahay xoojinta dagaalka lagula jiro Al-shaabab ee ka socda Degaanada maamulka Jubbaland.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyey magaalada Kismaayo iyadoo Ciiddamada amaanka ee jubbaland heegan buuxa lagliyey si ay uxaqiijiyaan amniga oo ay xiliyada qaar ka dhaacan falal lidi ku ah Amaanka Magaalada.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM