WAR DEG DEG AH: Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay Magaalada Baladweyne…


Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax miino oo dhulka lagu Aasay uu ka dhacay Magaalada Baledweyne.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Xaafadda Buundo Labaad ee Baledweyne.

Qaraxa ayaa ahaa mid xooggan oo inta badan laga maqlay Xaafadaha Magaalada Baledweyne.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay Qaraxa ka dhacay Baledweyne balse wararka qaar ayaa sheegaya qaraxaasi lagu laayay ciidan itoobiyaan ah.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM