WAR CUSUB: S/land oo Xabsiga dhigtay Gabdho ku libistay Dharka Calanka Somalia Balse…


Xarunta dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa (CID) waxa muddo 15 bari ah ku xeran afar gabdhood oo dhallinyaro ah kuwaasi oo suuqa Hargeysa laga qabtay iyaga oo ku labisan duruuc ka samaysan calanka Soomaaliya ee cirka u eeg .

Gabdhahan oo aan la ii cadaynin inay ehel ahaayeen iyo in kale markii la qabtay waxay sheegeen meeshii ay ka soo iibsadeen oo ahayd dukaanka Moumin textile oo ku yaalla suuqa Waaheen meel u dhaw masaajidka dabaqa ah ee Al-nuur

Waxaana halkaasi laga soo xeray isna Cabdirisaaq Aadan Ibraahim oo isagu dharka ka iibiyey gabdhaha.

Waxaa la ii sheegay inay ku doodeen gabdhahu inay maro ahaan uun u iibsadeen dharkaasi balse ayna ujeedo kale ka lahayn.

Maamulka S/land ayaa dagaal adag kula jira Midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyadoo la aaminsan yahay in madaxda sare ee maamulkaasi si hoose ula xariiraan Madaxda Dowlada Soomaaliya balse arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan S/land ay mamnuucday Baasaboorka Soomaaliya.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM