Wakiilada B/Caalamka oo kulan DEG DEG AH la qaatay M/weyne Farmaajo…


Wakiilada Beesha caalamka ayaa kulankoodii ugu horeeyay la yeeshay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka oo ay dalbadeen wakiilada ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, waxaana wakiila beesha caalamka hogaamiyay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.

Wakiilada beesha caalamka ayaa kala hadlay madaxweynaha la doortay wadashaqeyn dhex marta iyo arrimaha degdega ah ee horyaalla madaxweynaha cusub, iyadoo caleemo saarkiisa iyo sidii uu xilka kula wareegi lahaa la diyaarinayo.

Danjireyaasha Yurub ee wakiilada ka midka ah ayaa sheegay in kulanku ahaa mid hordhac ah oo si wanaagsan ku dhacay, isla markaana lagu dhageysanayay qorshayaasha madaxweynaha cusub oo ay ugu hambalyeeyeen xilka loo doortay.

Beesha Caalamka ayaa hore qoraal ay soo saartay hore ugu soo dhoweysay soo afjaridii nidaamkii doorashada dalka iyo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM