TOOS: Musharaxiin Gaaray Hoolka Doorashada Balse Musharaxiin Caan ah oo ku shirsan Hotel Jaziira…


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in musharixiinta ugu badan ay ku shirsan yihiin mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Musharixiinta ayaa doonaya inay mideeyaan codadkooda ka hor doorashada manta ka dhaceyso magaalada Muqdisho, oo ay ku tartamayaan Musharaxiin badan.

Wararka ayaa sheegaya in hoteelka Jazeera ay ku shirsan yihiin inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya waxaana ay ka shirsan yihiin sidii ay u mideyn lahaayeen codkooda ka hor doorashada maanta.

Waxaa ilo xog ogaal ah inoo sheegayaan in musharixiinta ay ku rajo weyn yihiin in musharaxa ugu codad bataa wareega labaad ee doorashada inay codkooda wada siiyaan, si meesha looga saaro Xasan Sheikh.

Xalay ilaa habeen hore waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo kala duwan oo lala yeelanayay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo codadkooda la doonayo.

Saacado kadib ayaa waxa amagaalada Muqdisho ka bilaabanaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Caasimada Online ay toos idiinku tabin doontaa doorashada maanta.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM