Shabaab Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Oo Shaaciyey Inuu Isku Dhiibayo Dowladda Farmaajo


Shabaab sarkaal Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa laga soo xigtay in uu isku dhiibi doono dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo ku dhow Mukhtaar Roobow ayaa waxay sheegayaan inuu hadda go’aan ku gaarey inuu isku dhiibo dowladda Farmaajo.

Waxaa laga soo xigtay Roobow sidoo kale in dowladda Farmaajo uu ku sheegay iney tahay mid shacabka dhan ay tageersan yihiin, sidaasi darteedna uu ku qasban yahay inuu dhankaasi aado.

Sidoo kale waxa uu sheegy inuusan ka fileyn Farmaajo iyo dowladiisaba ineysan shisheeye ku wareejineyn sida Itoobiya iyo wixii lamid ah.

Rag badan oo Al-shabaab ah ayaa lagu wadaa iney isku soo dhiibaan dowladda mudane Maxamed Farmaajo sidii marar horeba looga bartay.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM