SAWIRRO CUSUB: Shacabka iyo Ciidamada oo isku milmay (Lama arag maanta ka dhacday Muqdisho)


Kadib doorashadii maalinimadii shalay kadhacday magaalada muqdisho kuna soo baxay Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo noqday madaxweynaha soomaaliya ayaa haatan la arkay wax aan hore oga dhicin magaalada muqdisho.

Waxa hore loogu arag caasimada isku milmitaanka ciidamada dowlada soomaaliya iyo waliba shacabka  ayadoo shacabka siweyn oga cabsi qabeen ciidamada laguna eedeyn jiray in dadka dhacaan isla markaa waxyeelo soo gaariyaan mararka qaar kood.

Wadooyinka qaar ayaa dadweynihii xireen, waxaana isdhex galay ciidamadii iyo dadweynaha oo markii hore aysan isu soo dhawaan jirin.

Xaaladdaan cusub ayaa suuragal ah in amni daro ay ka dhalado oo lagu soo dhex dhuunto, suuragalna ay tahay in falal amaan daro laga dhex abuuro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan, ciidamadana wuxuu ka codsaday inay joojiyaan dab ridka.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM