SAWIRO: Wiil Asalkiisa Soomaali ah oo Mindi ku dilay Haweeney Mareykan ah…


Wiil da’yar kasoo jeeda Soomaaliya ayaa qirtay inuu dilay dalxiise udhalatay dalka Mareykanka isla markaana uu dhaawacay shan ruux oo kale.

Weerarkan ayuu u adeegsaday Mindi waxaana uu ka dhacay bartamaha magaalada London ee dalka Ingiriiska sidaas waxaa sheegaya war goordhow kasoo baxay maxkamada.

19 jirkaan Zakaria Bulhan, ayaa mindi ku dilay macalimad 64-jir ah habeenkii ay August aheyd sedex sanadkii hore.

Lix daqiiqo oo uu Alaarmiga dhacayay, booliska ayaa gaaray goobta uu dilkaas ka dhacay waxaana ay qabteen wiilkan Soomaaliga ah iyagoon wax rasaas ah ku furin.

Waxaa laga cabsi qabay in weerarkan uu ahaa mid argagaxiso, hase ahaatee markii la baaray xaalada Bulxan ayaa la ogaaday in maskaxda uu ka jiranaa

Maalintii koobaad ee maxkamada uu kasoo muuqday wiilkan Soomaaliga ah ayuu diiday inuu qirto danbiga ah inuu dil geystay.

Si kastaba, Maxkamadii uu kasoo muuqday maanta ayuu ku cadeeyay inuu ka danbeeyay dilka haweeneydaas kasoo jeeda Mareykanka ee dalxiiska ujoogtay Ingiriiska.

Sidoo kale waxaa uu diiday inuu shan dil oo kale gaystay, inkastoo uu qirtay inuu mindi ku dhaawacay dadka kala ah Martin Hoenisch, Lillie Selletin, David Imber, Bernard Hepplewhite iyo Yovel Lewronski.

Maxkamada ayaa aqbashay inuu Sakariye Bulxan qirtay danbigiisa, waxaana ay ku xukumi doontaa xukunka ugu sareeya ee lagu qaado dadka dilalka geysta.

19 jirkaan ayaa haysta dhalashada dalka Norwey, waxaana uu asal ahaan kasoo jeedaa Soomaaliya laakiin waxaa uu UK uu uwareegay sanadkii 2002-dii

Bulxan ayaa la dhoolaa hooyadiis iyo walaalahiis, waxaana ay deganaayeen guri dowladeed ku yaala koofur galbeed magaalada London, waxaana uu ahaa arday dhigta Graveney School.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM