SAWIRO: M/weyne Farmaajo oo Magacaabay Xilalkii Ugu horeeyay Markuu Xilka la wareegay…


M/weynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay xilalkii Ugu horeeyay si howlaha horyaala loo fududeeyo.

Dr. Cali Saciid Faqi oo uu maanta Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Dad badani waxay xilkaas u yaqaannaan Chief of Staff Xafiiska Madaxweynaha.

Dr. Faqi waa aqoonyahan, wuxuuna Maanta ka hor ahaa Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Dalalka Biljam, Holland iyo Luxembourg iyo Ururka Midowga Yurub waxayna xaruntiisu ahayd magaalada Brussels.

Sidoo kale Siyaad Maxamuud Shire oo uu Madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada ama Madaxa Protocol-ka Madaxweynaha.

Siyaad oo in muddo ah u soo shaqeeyay dowladdu wuxuu Maanta ka hor ahaa Qunsulka Guud ee Jiddah, ka horna Qunsulka Nairobi, 2012 wuxuu muddo kooban ahaa Xildhibaan, ka horna wuxuu la shaqeeyay Ra’iisal Wasaaraha. Siyaad waa ma-nooge shaqo badan.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay La Taliyihiisa Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud oo loo yaqaano Damuumaaye, sidoo kale horay u ahaa Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka.

Xuseen Macalin ayaa la dhashay Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Wuxuuna Mr Xuseen oo heysta Dhalashada Britain ayaa sidoo kale ah sarkaal sare oo ka tirsan Hey’adda Nabadsugida Qaranka, waxaa uu horay u soo noqday La Taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynayaashii hore.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : SAWIRO: M/weyne Farmaajo oo Magacaabay Xilalkii Ugu horeeyay Markuu Xilka la wareegay…

  1. maxamed sabrtiye nuur says:

    Magaceygu waa maxamed sabriye t
    aladeydu waxaytahay 1mudane matka hore waa in aad la kulantaa madaxda maamul goboleedyada si aan leysaga hor imaan waayo qaarkood waxay moodaan in ay ka awood badamyihiin dfs waxayna udhaqmaam sida dowlad madax banaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM