SAWIRO: Meydka M/weynihii hore ee P/land oo hada laga dajiyay Bosaaso…


Maydka Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse) Madaxweynhihii hore ee Puntland ayaa hada laga soo dajiyey Garoonka diyaradaha ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari,.

Waxana hada ku sugan Garoonka diyaradaha Boosaaso Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Ku xigeenkiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka Xubno ka tirasan Golaha wasiirada Puntland Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Masuuliyiin kale.

Ammaanka Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa la adkeayay iyadoona dhamaan wadooyinka soo gala lagu arkayo Ciidamo Ilaalinaya ammaanka guud Garoonka maadaama masuuliyiin kala duwan ay ku soo qayb galayaan aaska Madaxweynihii hore ee Puntland.

Cadde Muuse Xersi ayaa sideedii Bishan wuxuu ku geeriyooday Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Cadde Muuse Xersi, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii Somaliya soo maray, isaga oo markii dambe noqday Madaxweynihii Puntland, kadibna xil kale ma uusan qaban.

Cadde Muuse 1Cadde Muuse 2Cadde Muuse 3Cadde Muuse 4Cadde Muuse 5Cadde Muuse 6Cadde Muuse 7Cadde Muuse 8

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM