SAWIRO: Farmaajo oo Fariintii Ugu horeysay M/weynaha Kenya Ugu Dhiibay Ergo gaar ah…


Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaar gaara u diray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Farriinta madaxweynaha cuusb ee Soomaaliya waxaa madaxweynaha Kenya gaarsiiyay wafdi ka kooban wasiirka arrimaha dibadda ee xilka sii haya C/salaan Hadliye Cumar iyo ergey gaara oo ka socday madaxweyne Farmaajo.

Qoraal madaxweynaha Kenya soo qoray ayuu ku sheegay inuu farriin ka helay madaxweynaha Soomaaliya, kana guddoomay ergeyga madaxweyne Farmaajo iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirk Hadliye ayaa isna sheegay in dhambaalku ku saabsanaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya, ayna Kenya iyo Soomaaliya si wadajir ah uga guuleysan karaan dhibaatooyinka hor yaalla.

Waa farriintii ugu horeysay ee madaxweyne Farmaajo u diro madaxda dalalka deriska ah oo lagu casuumay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya oo Arbacadda ka dhaceysa caasimadda.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM