SAWIRO: Caruur Walaalo ah oo ku dhintay Hoobiyaal lagu weeraray Villa Somalia & Dad kale oo dhaawac ah…


Wararka aynu ka heleyno degmada Warta Nabada gaar ahaan xaafada 15 May ee degmadaas ayaa ku waramaya in maanta hoobiyayaal ku dhacay ay ku dhinteen laba caruur ah oo wada dhashay kuna sugnaa guri ku yiilay xaafada 15 May oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Tiro madaafiic ah ayaa ku dhacay degmada Warta Nabada waxaana ay sababeen dhimashada caruurtaas iyadoo labada waalid ee dhashay caruurta ay ku dhaawacmeen hoobiye ku dhacay gurigooda xili inta badan qoysku ay ku sugnaayeen Guriga.

Ilaa shan hoobiye aya al sheegay inay ku dhaceen agagaarka madaxtooyada soomaaliya waxaana ay dhaceen waxya kadib markii ay soo idlaatay munaasabada xilwareejinta ee madaxweynihii hore Xassan Sheikh iyo madaxweynaha cusb Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo si rasmi ah xilkaasi maanta ula wareegay kadib markii uu ku guuleesta doorashada Madaxweynaha.

 

1w2w3w

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM