SAWIRO: Bandow Addag oo ka bilawday Magaalada Muqdisho iyadoo Doorashada…


Si loo sugo Amaanka Doorashada waxaa galabta la dhaqan galiyay bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho waxaana la arkayaa Wadooyinka Xaafadaha kasoo baxa ee gala Laamiyada Waaweyn sida wadada Maka al-mukarama iyo Wadnaha in lagu Jaray dhagxaan iyo Carro.

Bandowgaan ayaa socon doona 2 ilaa 3 maalmood oo ku xiran doorashada, waxaana madaxweynaha xilka sii haya Xasan Sheekh Maxamuud uu dadweynaha Muqdisho ka codsaday inay sabraan xilliga doorashadu socoto.

Sidoo kale Ciidan aad u fara badan ayaa lagu arkayaa Magaalada gaar ahaan isgoysyada iyo meelo muhiim ah.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM