Reer Muqdisho oo Laba Musharax u Saadaalinaya Xilka M/weyaha Balse Xasan sh, oo…


iyadoo inta badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho la xeray sidoo kalana magaalada waxaa laga dareemayaa Saan saanta doorashada iyadoo shacabka ay aad u hadal hayaan doorashada iyo shaqsiga mudan in loo doorto xilka M/weynaha.

Reer Muqdisho ayaa aad u hadal haya laba Musharax oo ay u saadaalinayaan Xilka M/weynaha Soomaaliya Musharaxiintaasi oo kala ah Sheekh Shariif iyo Farmaajo inkastoo ay jiraa dad kale oo raba musharaxiin kale Balse inta badan shacab waxaa ay kasoo horjeedaan Xasan sheekh.

Xaafadaha dhaxdooda gaar ahaan goobaha shaaha lagu cabo iyo goobo kale ay dadku isugu yimaadeen ayey aad u hadal hayaan doorashada Madaxweynaha iyo xirnaashiyaha wadooyinka magaalada Muqdisho.

Waxa ay sidoo kale dadku hadal hayaan xirnaashiyaha wadooyinka magaalada Muqdisho ee dhagxaanta iyo carada lagu xiray iyo goobaha qaar ee lasoo dhoobay ciidamo badan oo katirsan dowlada oo amaanka xaqiijinaya.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa inta badan hadal heyntoodu tahay in ay u baahan yihiin isbadal ku yimaada hogaanka dalka, waxa ayna dadku badi aaminsan yihiin in isbadal ku yimaada Hogaanka dalka uu keeni karo isbadal isna ku yimaada nolosha dadka.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : Reer Muqdisho oo Laba Musharax u Saadaalinaya Xilka M/weyaha Balse Xasan sh, oo…

  1. farmaajo aaan taageersanahay anaga
    hadii ladooran waayo
    waaa tahriibeynaa insha allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM