Q.M oo war kasoo saartay M/weynaha Cusub ee loo doortay Somalia…


Hawlgalka QM ee Taakuleynta Somalia (UNSOM) ayaa u hambalyeeyey Ra’isul-wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/lalahi Farmaajo oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Somalia.

Afhayeenka UNSOM, Joseph Contreas ayaa sheegay inay QM iyo Beesha Caalamka diyaar u yihiin inay Madaxweyne Farmaajo ka taageeraan Hawlaha badan ee sugaya Dowladiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inay kala shaqeyn doonaan isga iyo Dowladiisa Arrimaha Dhaqaalaha, Siyaasadda, Ammaanka iyo Samafalka Aadminimadda ee soo wajahayo Soomaalida.

Afhayeenka UNSOM, Joseph Contreas waxa uu doorashadda Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay Guul Taariikheed oo ka dhalatay dadaalkii ku-dhawaadka 18-ka bilood loogu jiray Doorashadda Madaxweynaha.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu u hambalyeeyey Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoO sheegay inuu xiriir wada-shaqeyn oo aad u wanaagsan la lahaa QM.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM