M/weynaha Maamulka S/land oo Fariin Digniin ah maanta usoo diray M/weyne FARMAAJO…


Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” ayaa soo dhaweeyey Doorashadda Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuna tilmaamay mid guul u ah dadka Soomaaliyeed.

Silaanyo ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu ka hadlayey Shir ay Labada Gole ee Wakiilladda iyo Guurtida Somaliland ugu codeeyeen Heshiis ay Maamulka Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta ku gaareen inay Imaaraadka Saldhig Milliteri ka dhigtaan Dekedda magaalladda Berbera.

“Waxaan uga digayaa Madaxweynaha Somalia inuu faragelin ku sameeyo Midnimadda Somaliland” ayuu yiri Silaanyo oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in la ogaado Xaqiiqda iyo Runta Somaliland.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmay dhowr maalmood kadib, markii ay Somaliland soo saareen War-saxaafadeed ay ku taageereen Madaxweyne Farmaajo.

Somaliland waxay sannadkii 1991-kii sheegteen inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia, balse, weli ma helin Ictiraaf Caalami ah.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

3 Jawaabood : M/weynaha Maamulka S/land oo Fariin Digniin ah maanta usoo diray M/weyne FARMAAJO…

  1. axmed says:

    Sheeko, Ma awood bey u leeyihiin saxiixa saldhigyada ay sheegayaa? war xishooda jabhad baad tihiine, dubeyna kama sameysan karto Somaliya Saldhig iyo waxa aad sheegeysaan. waxa ay noqoneysaa, in woqooyi la idinka xoreeyo, maxaa jira waxa aad u qaadateen in aad wax tihiin, laakiin runta ayaa ayaa la gaarayaa,Go boladaas in la idinka xoreeyo.

  2. Ahmed says:

    S/land waa mid jirta waligeedna jiridoonta,hadii aad diido iyo hadii kaleba

  3. Waran says:

    SOMALILAND IS NOTHING BUT DHULKII SOOMAALIYEED

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM