Madaxweyne Farmaajo wuxuu Gacanta ku hayaa Ukun Gorayo Cadaw Badan leh.


Markaan wax Falanqeynayo waxaan jecelahay inaan Xaqiiqda Runta ah ee Dadka soomaaliyeed ku sugan yihiin Inaan Tilmaamo sidaan wada og nahay waxaa Madaxweyne maxamed Cabdulaahi Farmaajo laga sugayaa Marka la caleemasaaro kadib inuu soo magacaamo Raysal Wasaare mudo 30 cisho Gudahooda ah sida ku Qoran Dastuurka Kumaal gaarka ee Faderaalka arinka soo magacaabida Raysal wasaaraha waa in uu tix galiyaa heshiis dhaqameedka 4.5 kaas oo Qoraya in Beesha Hawiye laga soo xulo Raysal wasaaraha Dawladiisa.

Sidaan wada og nahay waqtiga hada lagu jiro Nooca Dawlanimo ee aan ku dhaqanaa waa hab Faderaal ah Taas oo lagu soo xulay Xildhibaanada Labada Gole.

Markaa arinaka iyadoo la Tix Galinayo waa in madaxweyne Farmaajo ilaaliyaa sharciga faderaalka markaa waa in uu keena Raysal wasaare Ku abtirsada Beelaha Hawiye Marka kalena laga soo xulo Dawlad Gobaleedka Galmudug Hirshabeele iyo Alsuna Waljameeca.

markaan Falaqeyntayda Dib ugu noqdo waxaad wada og tihiin soo dhaweyntii Iyo ku Farxidii isbadalka cusub ee soomaaliya gashay hada way dhamaatey.

Waxaa la doonayaa in laa dhaqaaqo xasilinta dalka soomaaliya iyadoo waqti adag lagu jiro oo abaaro iyo colaad ay jiraan Saan hore u Tilmaamay madaxweyne Farmaajo waxaa laga sugayaa Raysal wasaare waxaan soo sheegay xeer dhaqamaadka siyaasadeed ee nooyaala iyo Nooca dawladnimo ee aan ku dhaqano in uu markasta tix galiyo.

Saad wada og tihiin xilka qaabkaa loo marayo waxa la Raadinayaa waa hal shaqsi oo wanaagsen aqoon leh maamulkana wax ka yaqaan in laga dhigo Raysal wasaare.

Xaalada siyaasadeed ee Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Doonayo in uu soomaaliya Dib ugu Mideeyo waa arin wado Khatar ah loo marayo. Cadow badan ogaleeyn in soomaaliya xasisho. Gaar ahaan Dawladaha Dariska aan lanahay.

Markaa xaqiiqda jirta ee madaxweyne Farmaajo sugaysaa waa in uu Dastuurka dawladnimo Soomaaliya dhawraa marna Siyaasada xeer dhaqameedka Beelaha Hawiye Tixgeliyaa Taas oo ah in aanu wax Faragelin ah ku sameey xeer hoosaad kooda. Waa in aanuu beel gaara la safan.

Waxaa kaloo shacabka soomaaliyeed si Guud Madaxweyne Farmaajo uga sugayaan in Raysal wasaaraha uu soo Magacaabi doono waa in uu ka madaxbanaan yahay koox diimeed iyo mid xisbiyeed ama mid uu ku keenay saxiib tinimo.

Markaa haday hawsha ugu horaysa ee Madaxweyne farmaajo inuu qabto ay tahay magacaabis Raysal wasaare ka dibna hadii uu ku Guulaysto in si dhaqso ah uu u magacaabo Raysal wasaare ay heshiis ku yihiin Dhamaan Beesha Hawiye iyo Maamul Gobaleedka Galmudug Hirshabeele iyo ahlu-suna waljameeca.

Waxa Falanqeytayda ku soo Gabababaynayaa Madaxweyne Farmaajo marka hore ilahay ha ku Toosiyo Talada saxda ah ee cadaalada ku dhisan iyo somaalinimada Dalku waa nawada deeqaa ee Hogaanku xilku Nama wada deeqo arinkaa ayaa looga baahan yahay inay wax garadka soomaalidu Fahansiyaan shacabka soomaaliyeed.

markaa Hadey Dadka soomaaliyeed la yimaadaa Caqli xumada dhaqanka wax walba reer hebal ayaa xaq u leh Runtu waxay noqon in siyaasada soomaalidu noqotay Ukun Goroyo oo cadawkasta cunayo.
Waxaa Falaqeybtan Diyaariyey
Maxamed caalim, oo ah aqoon-yahan ka faalooda siyaasadda Soomaaliya oo ku sugan Finland iyo Maxamed Dhaaysane Macalin

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM