Farmaajo Oo Lagu Doortey Hal Arrin Oo Ay Sameeyeen Shacabka Soomaaliyeed (Waa Maxay)


Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xilka laga qaadey dowladdii KMG ahayd, shacabka Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo qalbiga ka oooya mar walbana ku tami jirey inuu yimaado Farmaajo.

Sanadkii 2012 dadku wey sugayeen inuu madaxweyne noqdo Farmaajo hase ahaatee ma aaney dhicin, waxaana middaasi ay keentay in dadku mar kale ay sii niyad jabaa.

Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba meel walbo oo ay joogaan, yar iyo weynkooda waxay gaareen go’aan ah iney Allah u laabtaan oo markaan isaga weydiistaan inuu u yeelo sida ay doonayaan.

Shacabka ayaa qof walbo si iskiis ah isku xilqaamay, waxayna qaarkood ay biliaabeen iney Salaad Sunna ah tukadaan, Allahna ka baryaan in Farmaajo dalkaan u dhiibo, walibana haddii Kheyrka uu ku jiro, dadka qaar ay Nadray Soon, halka qaarkoodna ay Salaad u istaagaan inta doorashada socotey.

Allah Subaxaanahu Watacaalaa waxa uu aqbalay baryada adoomadiisa, waxaana baryiddii ay baryeen uu ugu bedalay qalbiyadooda iney farxaan oo wixii ay rabeen waa ay heleen shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka waxaa muddo 27 sano ah ka maqnaa in sidan oo kale u midoobaan Allahna kaalmo weydiistaan, waadna aragtaa markii ay Allah kaalmo weydiisteen in la ajiibay, guulna la gaaray.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM