FARMAAJO oo Laga Sugayo Go’aan degdeg ah kaasoo Wadno qabad ku ah S/land…


Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee aan weli xilka la wareegin ayaa u muuqda inay hareeyeen arrimo u baahan in degdeg wax looga qabto iyo go’aan qaadasho adag.

Madaxweynaha oo shacbiyad badan leh, isla markaana taageerayaashiisa ku tilmaameen wadani adag ayaa laga sugayaa inuu go’aan ka qaato heshiis dowladda Imaaraadka Carabta la gashay maamulka Somaliland.

Heshiiskan ayaa dhigaya in dowladda Imaaraadka ay saldhig milateri ku yeelato magaalada Berbera, waxaana ansixiyay shalay golayaasha Baarlamaanka iyo odayaasha ee Somaliland.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa tallaabada ay qaaday waxay faragelin ku tahay Soomaaliya iyadoo aanu sharci ahaan fuli karin heshiis ay la gasho qeyb ka mida Soomaaliya, maadaama Somaliland ay sharci ahaan ka mid tahay Soomaaliya.

Imaaraadka wuxuu ka mid yahay dalalka ku dhex milmay siyaasadda Soomaaliya oo maamul goboleedyada si isku mida ula macaamila isagoo siiya taageero milateri, isla markaana la gala heshiisyo aanay ka warqabin dowladda Federaalka.

Dowladii hore ee Xasan Sheekh ayaa mar ka hor timid heshiiska, laakiin waxaa hareey mugdi badan iyo mowqif aan caddeyn, iyadoo inta badan madaxda dowladii hore ay indhaha ka qabsan jireen falalka gurracan ee safiirka UAE u jooga Muqidsho, waxaana weli muuqda faragelintii Imaaraadka ku sameeyay Doorashadii Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa inuu go’aan cad oo qarannimo ka qaadan doono arrintan iyo inuu la mid noqon doono madaxdii hore danta dalalka kale ka hormarin jiray tan dalkooda.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : FARMAAJO oo Laga Sugayo Go’aan degdeg ah kaasoo Wadno qabad ku ah S/land…

  1. axmed says:

    Waxaa Garguurtaa keenay, isgaa la shireyay , oo dadkaan wax aysan ahayn ka dhigay, bal wakase Farmaajio hala shiro Jabhad, waa wax aan dhici karin, kaas ilaah baa na dhaafiyey, hada waxay isu haystan, dowlad kale maadam ay la shireen dowlada Somaliyeed, Dubey waxay aragtay Somaliya in ay ogolaatay in ay la shirto, wax qarsoon ayaa soo bixi doona, xasan waxa uu saxiixay Saldhigaas isaga oo lacag qaatay, dubeyna sir bada bey xasan ka haysaa, heshiisyadii uu galay ayuu hada ka qaadayaa Madaxtooyada si qarsoodi ah, waayo lama geyn barlamanka. Xasan God buu Somali ku ridey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM