FAAH FAAHIN: Ciidanka Kenya oo Risaas ku furay Gaari ay la socdeyn dad shacab ah…


Ciidamada Kenya ayaa Rasaas huwiyay Gaari marayay inta u dhexeysa Xadka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Gaariga la rasaaseeyay oo marayay inta u dhexeysa deegaanada Dhagaxleey iyo Biyomadow ee Xadka dhaca ayaa waxaa la socday Dadka Rakaab ah sida ilo deegaanka ah ay soo wariyeen.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay Rasaastaasi waxaase dad goobtaasi ku sugnaa ay sheegeen in Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ay ka dhalatay Rasaastaasi.

Lama sheegin sababta ay Ciidamada Kenya u Rasaaseeyeen Gaarigaasi Rakaabka ay la socdeen walow Kenya ay ku andacooto in ay aad uga feejigan tahay weeraro gudaha Soomaaliya ay uga soo qaadaan Dalkeeda Dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM