DHAGEYSO:Wararkii ugu danbeeyay Olalaha doorashada musharixiinta halka kuwa badan codad badan hada heleyn iyo kuwa hoos…


Wararkii ugu danbeeyay ee loolanka musharixiinta utaagan xilka madaxweynaha soomaaliya kasocda magaalada muqdisho waxaan lasheegaya in musharixiin farabadan rajadooda hoos usii dhacday halka kuwa kale kor usoo kacday.

Musharixiin farabadan ayaa haatan heleya codad badan halka musharixiin farabadan hoos usii dhacday waxaana kamid ah musharixiinta codadkooda kor usoo kacau ra’isulwasaaraha dalka soomamaaliya ,Sheekh Shariif iyo Cabdiqaadir Cosoble halka farmaajo iyo rag kale hoos usii dhaceyso.

Tani ayaa ka dambeysay, markii uu taageero ka helay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, iyadoo kulan qado oo uu shalay la yeeshay Mr Gaas Xildhibaanada ka soo galay Puntland u sheegay inay taageeraan Cumar C/rashiid.

Sababaha ugu weyn ee C/wali Gaas u yimid Muqdisho ayaa ah inuu xoojiyo Cumar C/rashiid oo rajadiisa ay hoos u sii dhaceysa, taa bedelkeedna Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ahaa rajadiisa mid maalmihii la soo dhaafay kor u soo kaceysay, laakiin sare u kaca Cumar iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay meesha ka saarto Musharax kale oo Daarood ayaa iyana ah arrin meesha ku jirto.

Dabcan Puntland waxaa ka go’an inuusan Farmaajo ama nin kale oo daarood ah ku soo bixin jagada Madaxweynaha, sidaas darteed waxay doonayaan in hadii ay waayaan Madaxweyne in Ra’iisul Wasaare helaan

Shaxda labaad ee siyaasiyiinta Puntland ciyaarayaan ayaa waxaa uu yahay taageerida Shariif Sheekh Axmed, waxaase dhinac kale laga cabsi qabaa in heshiiska horu dhaca ee la sheegay inay wada galeen Sheekh Shariif iyo Farmaajo inuu saameyn ku yeesho Shariifka, marka loo eego loo loolanka Beelaha Majeerteen iyo Mareexaan.

Loolanka siyaasadeed ee Majeerteen iyo Mareexaan ayaa si weyn loo dareemay, ka hor doorashada Madaxweynaha, waxayna tani wax badan ka bedeshay hadal heyn badan oo maalmihii la soo dhaafay jirtay.

Farmaajo ayaa wata labo qorshe, mid waxaa waaye, isagoo heshiis hoose la galay Shariif Sheekh Axmed oo ah inay wada shaqeeyan, sidoo kale waxaa uu ka faa’ideysanaya kooxaha ku cusub labada aqal ee isbedel doonka ah, sidaas darteed waa xoogan yahay,sidoo kale waxay u badan tahay inuu codad ka helo dadka siyaasad ahaan ka daalay Puntland iyo Siyaasiyiinteeda.

Laakiin waxaa cabsi badan ka jirtaa in Shariifka uu soo geli waayo kaalinta labaad, taasna ay noqoto sidii ay rabeen Kooxda Xasan Sheekh.

Ilaa iyo xalay lagama seexanin Magaalada, kulamada aad ayay u fara badan yihiin, saadashana daqiiqad walba meel ayay u badan tahay, Wax kasta waa ay is bedeli karaan ilaa iyo galabta iyo caawa maadama doorashada beri subaxnimo dhici doonto.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM