Dhageyso: Yuusuf Madaale oo War adag kasoo saaray Waddooyinka Dhagxaanta lagu jaray..


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dhagaxaanta waa weyn ee lagu jaray wadooyinka Muqdisho, in aysan aheyn kuwo lagu sugi karo amniga.

Waxa uu sheegay dhagaxaanta wadooyinka lagu jaray muhiim in ay tahay in laga qaado, islamarkaana dadka shacabka ah ay sugtaan amnigooda, kana hortagaan amni darada.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay wadooyinka xiran in ay ciriiri geliyeen isu socodka, caro iyo dhagaxna uusan amni sugin.

Wadooyin badan oo Muqdisho ka tirsan, Hoteelo iyo xarumo Dowladeed ayaa waxaa lagu jaray dhagaxaan waa weyn oo loo maciin baday sugida amniga.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : Dhageyso: Yuusuf Madaale oo War adag kasoo saaray Waddooyinka Dhagxaanta lagu jaray..

  1. axmed says:

    Kaas Kacaanka Cusub ee ee Somaliyeed lama shaqeyn karo, Dhagxaantaan awalba asagaa isku xaydaamay, dana kale ayuu ka laa, iyo in uu dhaqaale ku gurto, dad yiraaho cadowgaan idinka celinaayaa, tarsan halagu bedelo nacaska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM