Dhageyso: Xil Wareejinta kadib Farmaajo oo ku dhawaaqay Hadal Shacabka ka farxiyay aadna loo sugayay…


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhawaan la doortay ayaa la aamisan yahay inuu ka shaqeyn doono tayeynta ciidamada soomaaliyeed si looga maarmo kuwa AMISOM ee dalka joogo.

Haddaba sidii la filayey madaxweynaha ayaa arrintaan ka hadlay wuxuuna sheegay inay dowladdi sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada Soomaaliyeed u tayeyn doonto si looga maarmo ciidamada AMISOM ee ka kala socdo wadamada Ugandha, Burundi iyo Itoobiya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

beesha Caalamka si fiican ayey ula soo shaqeeyeen dowladii hore, AMISOM waa isla shaqeyn doonaa, markii aan ciidamadeena tayeysano dhulkooda ayey ku laaban doonaa iyagoo faraxsan “ayuu yiri Farmaajo.

“Ciidamada AMISOM dalka wax badan ayey u qabteen, dagaalo badan ayey la galeyn ciidamada Al-Shabaab”ayuu sii raaciyey.

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo wadamadii ogolaaday inay Soomaaliya ciidamo usoo diraan”ayuu sii raaciyey

hadalka kasoo yeeray madaxweynaha ayaa muujinayo sida uu u daneenayo inuu dalka wax u qabto isla markaasna ciidamada soomaaliya gaarsiiyo heer ay dalkooda ku filnaadaan.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM