DHAGEYSO: Wararkii Ugu dambeeyay Ciidanka Galmudug iyo kumaandooska DF oo duulaan ku ah Al shabaab…


Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug oo ay wehliyaan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay maanta ka ruqaansadeen degaanka Camaara ee gobolka Mudug , islamarkaana u ay jiheysteen dhanka degaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay halkaasi ay isugu tageen ,islamarkaana ay ka tageen degaanadii ay kula dagaalameen Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Degaanka Camaara Yuusuf Salaad Muxumed ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay baneeyeen degaanka Camaara , islamarkaana xaalada degaanka ay hadda tahay mid Caadi ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Degaanka Wisil ayaa dadka kunool waxaa ay inoo sheegeen in ay soo gaareen ciidamo aad u farabadan oo wata Gadiidka dagaalka.

Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug ayaa shalay dagaal ay ku dhinteen 10 qof waxaa ay la galeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Galmudug ayaa doonaysa in ay qabsato Magaalada Xarardheere oo ay muddo dheer gacanta ku haayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM