Dhageyso: Taliyaha C.X.D oo digniin kasoo saaray Risaasta loogu dabaal-dagayo Farmaajo…


Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Maxamed Aadan Axmed ayaa sheegay in Rasaasta ay Ridayaan Ciidanka Dowladda Federaalka in ay lidi ku tahay amniga Dalka.

Waxa uu sheegay in xabadaha ay ridayaan Ciidanka Dowladda ay yihiin kuwa Hanti Qaran, loona baahan yahay in ay xafidaan maadaama sida uu sheegay aysan Soomaaliya sameysan Hub fara badan.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa uu ugu baaqay Ciidanka in ay ilaaliyaan guud ahaan amniga Dalka iyo xasiloonida Dalka, si loo gaaro hormar loo wada dhan yahay.

Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho xalay waxa ay u aheyd Habeen wanaagsan, maadaama la doortay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay taageersan yihiiin.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM