Dhageyso: Saraakiil katirsan Al shabaab oo DF isku soo dhiibay Xili M/weyne Farmaajo..


Laba nin oo ka tirsan Saraakiisha Kooxda Al Shabaab ee Gobolka Baay, ayaa maanta isu soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed, ka dib wada hadalo u socday labada dhinac.

Raggan, ayaa maalmihii ugu dambeeyay bilaabay in ay la soo xiriiraan Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo maantana ay yimaadeen Magaalada Baydhabo, laguna qaabilay waxaana ay sheegeen in ay maqleyn in dalka isbadal uu ka dhacay sidaas darteetna ay iskugu soo dhiibeyn dowlada.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay isu soo dhiibeen raggan.

Wasiirka, ayaa waxaa uu iftiimiyay in raggaasi ay u soo bandhigi doonaan Saxaafadda, waxaana uu ballanqaaday in cid kasta oo isa soo dhiibta, la nabad-gelin doono.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : Dhageyso: Saraakiil katirsan Al shabaab oo DF isku soo dhiibay Xili M/weyne Farmaajo..

  1. axmed says:

    Hala laayo, yaan la dhegeysa isdhiibkooda ,hala waso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM