DHAGEYSO: Musharaxiin Caan ah oo Dacwad kusoo Oogay Gudoomiyaha Guddiga Anshaxa Doorashada…


Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Gudoomiyaha Guddiga Anshaxa ee Doorashada M/weynaha ayaa Dacwad waxaa kusoo Oogay qaar kamid ah Musharaxiinta Xilka M/weynaha Soomaaliya.

Musharixiinta ayaa sheegay inuusan doorashada dhexdhexaad ka noqon karin, isagoo hore u aflagaadeedyay qaar ka mida musharaxiinta, isla markaana qaarkood ku sheegay inay lahayn karti hogaamineed.

Qodobadda lagu soo eedeeyay Guddoomiyaha Guddiga anshaxa doorashada waxaa ka mida inuu taageersan yahay mid ka mida musharixiinta oo bixiya kharashka joogitaankiisa Muqdisho:

AKhriso Qodobadda
1. Inuu warbaahinta hore uga caayey musharaxiinta qaarkood
2. Inuu hadda saaxiib dhow la yahay mida ka mida musharaxiinta (C/qaadir Cosoble)
3. Inuu degaankiisu yahay Hoyga Musharax Cossoble iyo xarunta ololahiisa
4. Inuusan aqoonsanayn dowlanimada Soomaaliya
5. Inuusan la tashan Guddiga intiisa kale, oo warbixinnada uu ka qoro doorashada ay la aamini karin.

Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa hore u sheegay in Musharax Farmaajo uu yahay qof qabyaalad ku weyn tahay oo aan wax macne ah ku soo kordhin karin Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM