Dhageyso: Mid kamid ah Caqabadaha uu ka tagay Xasan sh, oo Guddi loo Xil saaray….


Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cismaan Libaax Ibrahim ayaa ka hadlay Cabasho ka soo yeertay Xoogsatada Dekeda weyn ee Muqdisho ka shaqeysta.

Wasiir ku Xigeenka ayaa sheegay in loo soo gudbiyay cabashadooda isla markaana ay wax ka qabanayan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay cabashadooda iyo qaabkii loo xalin lahaa ay u saareen Guddi, Waxa uuna xusay in ay xaq u leeyihiin in ay ka doodaan culeys walbo oo soo wajaha.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in la dhageysto cabashadooda ayna ku dadaalayaan sidii loo qancin lahaa isla markaana ay Wasaaradu dadaal badan sameyneyso.

Shalay ayay ahayd markii banaanbax Cabasho ah ay dhigeen Xoogsatada Dekeda weyn ee Muqdisho kuwaasi oo shaqooyinki Dekeda ay ka hayeen la wareegtay Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WWW.BADWEYN.COM